Dowladda Soomaaliya oo Mamnuucday isku-imaatinka dadweynaha iyo Sababta

Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya
Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Shir jaraa’id oo ay wadajir magaalada Muqdisho uga qateen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ayay uga diggeen Shacabka Soomaaliya isku soo baxyada iyo isku -imaantinka dadweyne sababo la xidhiidha saameynta adag uu dalka ku yeeshay cudurka Covid 19.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ay wehliyaan Wasiirradda Caafimaadka iyo Amniga ayaa sheegay in iyadoo laga hortagayo khatarta cudurka dowladdu go’aan ku gaadhay in ay fasaxdo shaqaalihii dowladda, islamarkaana la ogolaan doonin isku imaatinka dadweyne si looga hortago faafitaanka cudurkan.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale oo wax laga weydiiyay dibadbaxa ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta ayaa sheegay ayaa sheegay  in aanu jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaadhay, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado.

Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya
Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya

Go’aanka ay dowladdu qaadatay ayaa saameyn doona dibadbaxa ay ku baaqeen in maalinta Jimcaha uu ka dhacayo magaalada Muqdisho midowga Musharixiinta, madaama ciidamada iyo laamaha Amniga la faray in xaqiijiyaan fulinta dhamaanba qoddobada lagaga hortagayo faafitaanka cudurkan oo uu qeyb ka yahay qoddob mamnuucaya in bulshadu isku timaado.

Laakiin dhinaca midowga musharixiinta oo dibadbaxan ku baaqay ayaa dhawaan uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxaya ay dhigayaan taageerayaashooda,  lamana oga sida ay uga jawaabi doonaan digniintan danbe ee ka soo baxday dowladda Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.