Xisbiga Ucid oo Munaasibad soo dhawayn ah u sameeyay Murrashaxiinta Maxamed Xasan Siciid iyo Maxamuud Xuseen Faarax

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta magaalada Hargeysa munaasibad soo dhawayn ah ugu sameeyay laba musharax oo kala ah Maxamed Xasan Siciid oo u tartamaya doorashada golaha Wakiilada iyo Maxamuud Xuseen Faarax isna u tartamaya doorashooyinka golaha Deegaanka.

Munaasibadan soo dhawaynta labada Musharax ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng: Faysal cali Waraabe, masuuliyiinta xisbiga, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad tiro badan.

Hoos ka daawo muuqaalka warlka