Jigjiga: Dowlad-deegaanka iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Ehtio Telcom oo Heshiis Kala Saxeexday

Ehtio Telcom iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida
Ehtio Telcom iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Aftahannews)- Shirkadda isgaadhsiinta dalka Itoobiya ee Ehtio Telcom iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku kala saxeexday heshiis fududeynaya in isgaadhsiinta casriga ah la geeyo meelo go’doon ka ah isgaadhsiinta caadiga ah ee waddankaas.

Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay tahay mashruuc ay ku doonayaan in deegaanno aan hore adeegga isgaadhsiinta u haysanin fursad loo siiyo isticmaalka telefoonnada hadalka iyo waliba internet-ka.

Ehtio Telcom iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida
Ehtio Telcom iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo Dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida, Dr Cabdifataax Sheekh Biixi, ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan heshiiskan.

“Waxaan isugu nimid sidii loo xallin lahaa caqabadaha dhinaca isgaadhsiinta ee 23 goobood oo ka mid ah dowlad deegaanka, una badan xarumo degmo oo 11-ka gobolba ka tirsan.”ayuu yidhi Wasiirka horumarinta dowlad deegaanka Soomaalida Dr Cabdifataax Sheekh Biixi.

Wuxuu intaas ku daray in hadda deegaannadaas si ku meel gaadh ah loo geynayo qalab satellite-ka ku shaqeeya oo isgaadhsiin ah, kaasoo suuragalinaya in lagu soo gudbiyo xaaldaha deg degga ah ee ku saabsan dhinaca amniga iyo caafimaadka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Jigjiga/Itoobiya.