Cabdiweli Gaas: “Soomaaliya guul-darrada ka Muuqata, waxa ka masuul ah Madaxweynaha..”

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynihii hore ee Puntland iyo raysal wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay xaaladda ay haatan Soomaaliya marayso in ay sabab u tahay shakiga laga qabo in madaxda dowladda federalka ay doonayaan in ay doorashada musuq maasuqaan.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay afartii sano ee lasoo dhaafay dowladdu in ay ku guul daraysatay in ay dalka doorasho xor ah gaadhsiiso, dastuurka la dhameystiro iyo in Shabaab laga xoreeyo Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

“Maanta waxaan guul darro ahayn oo muuqata ma jirto dhan walba, waxaana ka masuul ah madaxweynaha iyo raga la halmaala,” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Wuxuuu sheegay Soomaaliya in ay arrin ugub ah ku tahay marxaladda ay haatan ku jirto, wuxuuna dowladda federalka ugu baaqay in ay mugdiga ka saaraan in dalka laga qabto doorasho xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.