Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo la Maamuusay

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeysa (Aftahannews)- Xubno kamid ah golaha wasiirada Somaliland, Hogaanka Xisbiyadda Ucid iyo Waddani Salaadiin iyo Madax dhaqameed kale oo ka kala Socday qaybaha dhaqanka ee Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Maanta ka qayb galay Hadhimo sharafeed Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir uu ugu mahad celiyay dhamaan Bulshadii ugu Ducaysay xilka Saldanadeed ee uu la wareegay.

Hadhimo Sharafeedkan oo lagu qabtay Hotel Guuleed ee caasimadda Hargeysa ayaa Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabiqaadir Wuxuu Xukuumadda Somaliland, Axsaabta qaranka, ummadda Somaliland iyo Shucuubta kale ee dhaqan deegaanada Soomaalida uga mahadceliyey ka soo qayb galkii aaskii qaran ee loo sameeyay Alle ha u naxariistee Aabihii Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir iyo Caleemo Saarkiisii waxaanu Ilaahay ka baryay inuu u fududeeyo Waajibaadka balaadhan ee loo igmaday.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa dhamaanba madaxda dhaqanka iyo masuuliyiintii Munaasibadaas ka qayb gashay uga mahad celiyay kasoo qaybgalka Hadhimo Sharafeedka Suldaanka guud ee cusub.

Garaadka guud ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Garaad Kulmiye Salaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Ganacsato Aqoonyahan, iyo hal-doorkii kasoo qayb galay Hadhimo sharafeedka ayaa u duceeyay Suldaanka guud ee doraad la caleemo saaray Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir iyagoo kula dardaarmay inuu xadhigga Alle marwalba ku dhegenaado isla markaana uu raaco Raadkii Aabihii.

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland ahna Guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Guddoomiye yaasha Xisbiyadda Ucid iyo Waddani Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, xubno ka socday golaha guurtida iyo Wakiilladda ayaa sidoo kale Alle uga baryay Suldaanka guud ee cusub Suldaan Da’uud Suldaan Maxamed inuu xilkaa ku Asturo iyagoo kula dardaarmay inuu u naxariisto dadka jilicsan taas oo ahayd dhaqan wanaagsan oo lagu yaqaanay Aabihii waxaa kale oo ay ku booriyeen inuu Mar walba ka shaqeeyo Nabadgalyada iyo Isku haynta Ummadiisa Waxaa kale oo ay u soo Jeediyey Deegaanka uu Suldaanku ka soo jeedo inay si wanaagsan ay ula shaqeeyaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.