Itoobiya iyo Suudaan oo qarka u saaran inuu dagaal dhexmaro

Itoobiya iyo Suudaan

Addis Ababa (Aftahannews)- Militariga Itoobiya ayaa ka tallaabay xadka, waxayna gudaha u galeen Suudaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaan, maalintii Axadda.

Arrintan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa labada waddan ee dariska ah, iyadoo muranka xadka uu soo taagnaa muddo aad u dheer.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, iyo wasiiru dowlada Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Redwan Hussein labaduba suurtagal ma aha in lala hadlo, farriimo loo dirayna kama soo jawaabayaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Itoobiya iyo Suudaan
Itoobiya iyo Suudaan

Maalintii Sabtida ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya barteeda Facebook ku sheegtay in “Ambaasadoor Dina uu dowladda Suudaan ka dalbaday in ay joojiso barakicinta muwaadiniinta reer Itoobiya ee ay billowday 6-dii bishii November.”

Itoobiya ayaa sidoo kale Suudaan ku eedeysay in ciidamadeeda ay kusoo xad gudbeen dhulkeeda.

Isku dhacyo ayaa ciidamada labada waddanka dhex maray sanadkii lasoo dhaafay, colaaddoodana waxay salka ku haysaa muranka lahaanshaha dhulka lagu magacaabo Al-Fashqa, halkaasoo ay dagan yihiin beeralay Itoobiya u dhashay balse Suudaan ay sheegeyso inuu yahay dhul ka tirsan dalkeeda.

Bishii lasoo dhaafay Suudaan waxay sheegtay in diyaarad laga leeyahay Itoobiya ay kusoo xad gudubtay, laakiin eedeyntaas Itoobiya way iska fogeysay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.