Tartanka Kubbada Kolayga Gabdhaha oo ka bilaabmay Muqdisho +Daawo Sawirrada

Muqdisho(Aftahannews):- Tartanka kubbadda kolayga gabdhaha gobolka Banaadir ayaa ka furmay garoonka degmada C/Casiis, iyadoo ay ciyaartii ugu horreeysay shalay ku kulmeen gabadhaha degmooyinka Xamar-jajab iyo C/casiis oo ay ku guuleysteen gabdhaha degmada Xamar-jajab.

201456635349580876838558Ciyaaraha gabdhaha (10)

201456635349582518303064Ciyaaraha gabdhaha (15) 201456635349581795143547Ciyaaraha gabdhaha (12) 201456635349581333921372Ciyaaraha gabdhaha (11) 201456635349580876838558Ciyaaraha gabdhaha (10) 201456635349579840934960Ciyaaraha gabdhaha (8) 201456635349579133371121Ciyaaraha gabdhaha (7) 201456635349582872819841Ciyaaraha gabdhaha (14) 201456635349578578551412Ciyaaraha gabdhaha (6) 201456635349576076736277Ciyaaraha gabdhaha (17) 201456635349576872659000Ciyaaraha gabdhaha (2) 201456635349577273352423Ciyaaraha gabdhaha (1) 201456635349577916952435Ciyaaraha gabdhaha (3)

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka oo ay ka mid ahaayeen: guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee gobolka, kaaliyaha amniga, afhayeenka cusub, gudoomiyeyaasha isboortiga iyo agaasimayaasha maamulka gobolka qaarkood.

Sidoo kale boqollaal daawadayaal ah ayaa iyagana ka soo qayb-galay kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badanaa, iyadoo ciyaartu ay ahayd mid soo jiidatay dadkii ka qaybgalay daawashadeeda.

Koobkan uu dhigay maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku tar-tami doona gabdho ka socda siddeed degmo oo ka tirsan Muqdisho, wuxuuna qayb ka yahay mashruuca DAN-GUUD ee xasilinta xilliga kala guurka ah oo ay maal-geliso hay’adda gargaarka u qaabilsan Mareykanka ee USAID.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar oo furay ciyaarta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko ciyaarihii gabdhaha heer degmo oo magaalada Muqdisho oo dib ugu soo laabatay.

“Waxaa la joogaa xilligii ciyaarta ma ahan xilligii hadlaka, waan ku faraxsanahay inaan mar kale kasoo qayb-galo ciyaaraha gabadhaha kubadda kolayga gobolka Banaadir,” ayuu yiri Iikar.

Arbacadii lasoo dhaafay ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ku wareejiyay ku wareejiyay 120-gabdha kubbadda kolayga sideedda degmo ee ka qayb-galeya tartanka agab isboorti oo ay ka mid yihiin funaanado, jaakado iyo kabaha lagu ciyaaro oo qayb ka ah mashruuca DANGUUD ee gobolka Banaadir.

Waa markii ugu horreysay muddo lix sanadood ah oo ciyaaraha kubadda kolayga gabdhaha heer degmo lagu qabto gobolka Banaadir, iyadoo sannadkii 2008-dii ay ahayd markii ugu dambeysay ee la qabto ciyaaro noocan oo kale ah.

Tartankan ayaa socon doonaa illaa 11-ka bishan oo ay iska-hor-imaanayaan kooxaha kusoo baxa ciyaarta kama dambeysta ah. Waxayna kooxaha Kubadda Kolayga isugu dhacayaan sidan:

Cabdulcasiis vs  X/Jajab

Boondheere vs  Waaberi

Dayniile vs Wadajir

Hodan vs Shibbis.

Xigasho Hiiraan.com.