Komishanka Doorashooyinka oo Degmooyinka Gobaladda Togdheer iyo Saaxil u kala diray Hawl-wadeenada Kaadh Badelka

Burco (Aftahannews)- Komiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa Magaaladda Burco ka ambo bixiyey Hawl wadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland iyo u adeegista Muwaadiniintii Kaadhadhka Codbixintu ka lumeen ee Ku dhaqan Goboladda Togdheer iyo Saaxil, Hawlgalkaas oo beri si rasmi ah u bilaabmi doona.

Waxa agabkaas, shaqaalaha iyo gaadiidkaasiba ka shaqayn doonaan sidii cidii u baahan laagu badali lahaa goobihii ay markii hore ka qaateen kaadhadhka iyo diiwaangelinta muwaadiniintii ay ka lumeen kaadhadhkoodii codaynta doorashadu.

Maxamuud Siciid Dalmar oo ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka ayaa bulshada ku dhaqan gobolada Togdheer iyo saaxil u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas ay komishanka doorashooyinku ugu talo galeen in lagu xaqiijiyo in ay muwaadiniintu helaan xaqooda ah inay ka qayb-qaataan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degaanka, kuwaas oo sannadkan bishiisa shannaad dalka ka qabsoomi doonta.     

Maxamuud Siciid wuxuu intaas ku daray in gobolka Togdheer ay hawshaasi ka bilaabmi doonto sagaal iyo toban koobbood, halka gobolka Saaxilna noqon doono kow iyo toban goobood.

Ugu dambayn wuxuu sheegay Maxamuud Siciid in hawshaasi goboladaas ka socon doonto toban maal-mood ah, isagoo intaa ku daray in cidii badalanaysa goobtii hore ee ay kaadhka ka qaadatay au u badalan karaan mid ka mid ah sadex iyo labaatanka degmo doorasho, iyadoo uu buuxin doono shuruudaha looga baahan yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.