Nuxurka eedaha ay 100-ka Xildhibaan u cuskadeen dalabka Is-casilaadda Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaanno ka trisan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay Boqol Mudane, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu xilka iska casilo, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku fashilmay hoggaaminta Qaranka Soomaaliyeed. Kuwaasoo shalay kulan ay gebo-gabadii qoraal ka soo saareen ku yeeshay magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Haddaba waxa uu Aftahannews halkan idiinku soo gudbinayaa nuxurka qoraalka ay Xildhibaannadu ku dalbadeen is-casilaaddaas, eedaha ay u soo jeediyeen Madaxweynaha iyo qodobbada ay u cuskadeen. Waxaanu qoraalkiisi u dhignaa sidan:-

“JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

05/05/2014

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya

OG: Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ( Jawaari )

Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya

OG: Ambassador Nicolas Kay

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Ujeeddo: BAAQ SOO JEEDIN IS-CASILAAD.

Mudane Madaxweyne,

Annagoo ah Xildhibaannada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, kana ambaqaadayna waajibaadka guud ee naga saaran ilaalinta danta Qaranka, dabagalka iyo qiimaynta waajib gudashada hay’adaha Dowladda oo uu ugu horreeyo Xafiiska Madaxwaynaha, waxaan dib u eegis ku samaynnay ballanqaadkii aad ka hor jeedisay Golaha Shacabka markii aad murashax u ahayd hoggaaminta talada dalka, si aan u hubinno waxa ka fulay lixda tiir ee aad Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigtay oo aad heshiiska kula gashay wakiillada Shacabka oo Xildhibaanada ahna kugu doorteen, waxaana la filayay haddii aad ka dhabayn lahayd siyaasadda ku qotanta 6da tiir, in laga gudbi karay duruufaha adag ee dalku ku suganyahay lagana soo kabsan lahaa dib u dhacyada soo jiitamaayey tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii, ee xagga siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, dowlad wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee sida muuqata hoggaan kaagu waa ku guul daraystay in uu fuliyo koley ku tahay tiir qura! haddii aan xusno tiirarku waxay ahaayeen:

1.Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.

2.Soo noolaynta adeegyada bulshada.

3.Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.

4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

5.Midnimada iyo wadajirka ummadda.

6.Abuuridda xiriir caalami ah.”

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.