Aqalka Sare oo sharci darro ku tilmaamay xeerka lagu soo saaray toddoba kamid ah Golaha Adeega Garsoorka

Muqdisho (Aftahannews)- Guddoonka Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan saydhay xeerka madaxweyne ee lagu soo saaray toddoba kamid ah Golaha Adeega Garsoorka.

Guddoonka ayaa sheegay in ay tahay gef sharci in Aqalka Sare loo soo gudbiyo xubno aan lagu soo magacaabin hannaan sharci ah, isla markaana xeerka madaxweyne ee tirsigiisu yahay Lr.357 ee soo baxay 30 December 2020 uu si cad u jabinayo qodobada dastuuriga ah.

Kaas oo khuseeya magacaabista iyo meelmarinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo habraaca uu jideeyay sharciga dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa intaas ku daray in xeerkaasi madaxweyne ayna wax raad sharci ah oo ay xubnaha ku magacaaban si sharci ah ugu hawlgali karaan.

“isku dayo lagu dhisayo gole adeeg garsoor ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka oo lagu soo saaray 7 xubnood oo ay kamid yihiin 9 xubnood ee golaha adeegga garsoorka iyadoo lagu soo daray guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha”

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay magacaabista xubnahan in la waafajiyo dastuurka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.