Jaamac-Shabeel oo Weeraray Golaha Guurtida, Kuna Baaqay Musharrixiinta UCID laga Xidhay in Xabsiga loogu Codeeyo

Hargeysa(aftahannews):- Siyaasiga Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo hore uga tirsanaan jiray Xisbiga Kulmiye, balse dhawrkii sano ee u dambeeyey aan Xisbina ku jirin, ayaa sheegay inuu ka xun yahay Musharrixiin dhawaan laga xidhxidhay Xisbiga UCID, waxaanu ku teliyey haddii la sii dayn waayo in loo Codeeyo oo la doorto iyagoo Xabsiga ku jira.

Jaamac-Shabeel waxa uu weeraray Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay mid ay ku dul-dhimatay dimuquraadiyadda Somaliland, isla markaana aan hal marna la dooran ee ay ku fadhiyaan Xildhibaannada Guurtidu xulis iyo dhaxal, waxaanu ku dooday inay qayb ka yihiin waxyaabaha ka qaldan Somaliland ee loo baahan yahay in sixitaan muuqda lagu sameeyo.

Khudbad uu Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ka jeediyey Xaflad lagu Soo Bandhigay Suugaanta Abwaan Abdirahmaan Abees oo xalay lagu qabtay Hargeysa, ayuu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.