Siyaasiyiin Miisaan leh oo Si Adag u Dhalliilay Nidaamka Hoggaaminta Somaliland, Talooyinna Soo Jeediyey

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiyiinta kala ah, Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), Prof: Cabdisalaan Yaasiin, Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay Waxyaabaha ka qaldan Siyaasadda Somaliland, ku Dhaqanka  Qabyaaladda, nidaamka hoggaaminta iyo Xalka Dalka iyo Dadku u baahan yihiin.

Xubnahan oo hadal ka jeediyey Munaasibad xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo Maansooyin cusub iyo Buug uu qoray ku soo bandhigay Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Abees, ayaa waxay si guud u tilmaameen in la gaadhay wakhtigii waxa ka qaldan siyaasadda iyo hoggaaminta Somaliland la sixi lahaa, isla markaana laga gudbi lahaa dhibaatooyinka ku dhaqanka qabyaalladdu leedahay.

Jaamac-Shabeel, ayaa is-dul-taagay Musharrixiin laga xidhay Xisbiga mucaaradka ah ee U UCID, kuwaas oo lagu xidhay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa, ka dibna loo wareejiyey Khamiistii Xukun la’aan Xabsiga Mandheera, kuwaas oo uu soo jeediyey in iyaga oo xidhan la doorto.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin, ayaa geestiisa soo jeediyey inaan laga baqan xadhig aan sharci ahayn oo laysku cabbudhiyo, waxaanu sheegay in 30 sannadood ka dib halgankii SNM ku xoraysay Somaliland ee ay la gashay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, ay dhalinyaradu waqtigan weydiiyaan, su’aalo la xidhiidha wixii ay SNM ahaan u dagaallameen ee ay diiddanaayeen iyo waxay doonayeen.

Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu wakhtigan ka sharraxan yahay, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu tilmaamay siday u kala duwan yihiin hay’adaha dowladda Somaliland iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaanu xusay inay Shirkadaha gaarka loo leeyahay aad uga nidaam wanaagsan yihiin Hay’adaha dowliga ah.

Musharrax Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaqa iyo xorriyadda loo hiiliyo, isla markaana laga dheeraado ku dhaqanka Qabyaaladda. Waxa Musharrax Mooge ka warramay dhibaatooyin uu tilmaamay inay ka hor yimaaddeen intii uu ku baaqayey qabyaalad-diidka iyo intii uu is-sharraxay-ba.

Haddaba, Siyaasiyiintan oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Dhammaan Xubnahani waxay u mahad-naqeen, isla markaana Suugaantiisa Ammaaneen iyo dulucda ay ka hadlayaan Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Abees, iyagoo soo jeediyey in mar walba xaqa loo hiiliyo, dulmigana la diido.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.