Abwaannada Abees & Weedhsame oo ka Warramay Khiyaamo ku dhacday Abwaan Abees iyo Maansooyin Cusub

Hargeysa(aftahannews):- Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Abees oo ka mid ah Hal-abuurrada reer Somaliland, ayaa laba sano ka dib Maansooyin Toosin iyo Tilmaan ah ku soo bandhigay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Abwaan Abees, ayaa 12-ka bishii January ee 2019-kii Booliska Somaliland ku xidheen Hargeysa, ka dib markii uu hal habeen ka hor xadhiggiisa isla hargeysa ku soo bandhigay Suugaan uu marxaladda guud ee dalka kaga hadlay, gaar ahaan waxaa lagu xidhay Gabay uu ka tiriyey dhibaatooyinka Bulshadu kala kulanto Saldhigyada Booliska.

Cabdirahmaan Abees oo xidhnaa muddo bil iyo dheeraad ah, ayey Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex xorriyaddiisa dib ugu soo Celisay 25-ka bishii Febraayo ee 2019, waxaanu maalin ka dib siiddayntiisa 26-ka Febraayo ka soo muuqday Shirweyne Xisbiga talada haya ee Kulmiye ugu soo xidhmay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ku qaabbileen.

Haddaba, muddo laba sano ah ka dib Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa uu Hargeysa ku soo bandhigay Maansooyin kale oo miisaankooda leh, isla markaana uu Dadka ku baraarujinayo, waxaanu ugu horreyn ka hadlay Sawir uu tilmaamay in lagula kgalay Shirkii Kulmiye ee Boorama oo la geeyey, waxaanu yidhi; “La ima sii daynin ee waa la isii daystay oo waxa la igu sii daystay Boorama.”

Suugaanta uu xalay ku soo bandhigay Abwaan Abdiraxmaan Abees waxaa ka mid ahaa Maansada Dooyo-Qaad iyo Gabayga Alfa-koondha, waxaanu Gabayga Alfa-Koondha ugu magac-daray Madaxweynaha Ginea Konakari oo Madaxweyne Biixi mar dalkiisa booqasho ku tegay 2019-kii.

Geesta kale, Abwaan Xasan Daahir Ismaa’iil Weedhsame oo isna Munaasibadda Xalay la khiyaameeyey Abwaan Abees markii la geeyey, isla markaana lagu sawiray Shirweynihii Kulmiye ee Boorama.

Haddaba, Warka labada Abwaan oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa.Somaliland.