Suldaan Maxamed oo Aas Qaran oo Maamuus Sare leh loo Sameeyey, Suldaanka Beddelay iyo Weedhihii laga yidhi

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Xalay ku geeriyooday Hargeysa, ayaa Aas Qaran maanta loogu sameeyey Sandaladda faca weyn ee uu ka soo jeeday Marxuumku ee magaalada Hargeysa.

Aaska Qaran ee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir loogu sameeyey Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda, Wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed isaga kala yimi Somaliland iyo dalalka la deriska ah iyo Boqollaal Dadweynaha reer Somaliland ah.

Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed intii aan la aasin, waxa Xabaasha Dusheeda lagu Caleemo-saaray Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka beddelaya Marxuumka, isla markaana ah Wiilka ugu weyn Carruurta uu ka tegay Suldaan Maxamed, kaas oo erayo dardaaran iyo ducu isugu jira halkaas looga jeediyey, looguna duceeyey in Allaah ku asturo xilka culus ee uu qaaday.

Marxuumka, ayey Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee halkaas ka hadlay u duceeyeen, iyagoo Allaah uga beryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadiq ahna ka siiyo, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Qaranka Somaliland iyo Guud ahaan Bahda dhaqanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Suldaan Maxamed.

Haddaba, Warbixinta Aaska Qaran ee Suldaan Maxemed loogu sameeyey Xabaalaha Sandallada faca weyn ee uu ka soo jeeday oo ku yaalla Badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Dugsiga Rays, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.