Muuse Biixi oo Isbaheysi Siyaasadeed la samaynaya Mucaaradka ah oo soo dhaweeyey Musharraxnimadiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku farxay isla-markaana si weyn u soo dhaweeyay Musharaxnimada Madaxwayne-nimo ee uu doraad shaaciyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi.

GUDDOOMIYAHA KULMIYE IYO KUXIGEENKA WADDANI

Xisbiga WADDANI, oo ah xisbiga Mucaaradka dalka ugu weyn xiligan, ayaa Muuse Biixi Cabdi ku hambalyeeyay inuu isku soo taago Musharaxa Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee soo socota, Madaxwayne Siilaanyo iyo musharax kasta oo isku taagana kula tartamo.

Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo masuuliyiin ka mid ah xisbigaasi, ayaa shalay xarunta xisbiga KULMIYE ku booqday Guddoomiye Muuse Cabdi, waxayna gaadhsiiyeen Hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha hankiisa Musharaxnimo ee uu dadwaynaha u soo bandhigay, iyaga oo u muujiyey inay ku faraxsan yihiin si cad u sheego inuu u taagan yahay Musharaxa Madaxwayne ee shanta sanadood ee dambe, xisi ahaanna ay tageersan yihiin fikraddaasi.

Sida loo sheegay Wargeyska Somalilandtoday, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI aad u soo dhaweeyay ugana Mahad-celiyey inay ku taageeraan Musharaxnimadiisa iyo hanka siyaasadeed ee uu soo bandhigay, iyada oo markaasi ka dibna la isweydaarsaday kaftan iyo duur-xul siyaasadeed oo ku aadan sawirka uu yeelan karo tartan mustaqbalka dhex mara xisbiga KULMIYE oo uu Musharaxa Madxawayne u yahay Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu Musharaxa Madaxwayne u yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Dhanka kale, Inkasta Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee hambalyada ugu tagay Muuse Biixi Cabdi, aanay la hadal saxaafadda, haddana Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Axmed Muumin Seed oo xalay Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey inuu hambalyeynayo Guddoomiyaha KULMIYE ee musharaxnimadiisa Madaxwayne shaaciyey, ayaa si kooban ugu jawaabay “Annigu Telefoonka ayaan ku hambalyeeyay” ayuu yidhi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, ahna ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa isaguna soo dhaweeyay Musharaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi “Sababihii xisbiyada aynu u furanay waxa weeyaan in dhexdooda lagu tartamo, markaa aad iyo aad-baanu u soo dhaweynaynaa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, ka xisbi ahaanna waanu ku hambalyeynaynaa inuu isku soo taago Musharaxa Madaxwaynaha, waana sifaha dimuqraadiyadda” sidaa waxa Somalilandtoday u sheegay Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo intaasi ku daray inay dhawaan si weyn uga hadli doonaan arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa waxa muuqanaysa inuu isbahaysi siyaasadeed la samaysanayo xisbiyada Mucaaradka ah, maadaama oo la saadaalin karo in siyaasiyiinta uu ka midka yahay Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore hankiisa Madaxwaynenimo uga tanaasulay Madaxwayne Siilaanyo uu wakhtiga loo tartamayo musharaxa Madaxwaynaha ay garabka saari doonaan Madaxwayne Siilaanyo. Hasa-yeeshee taageerada xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u muujiyey Muuse Biixi, ayaa dhanka kale marka laga eego noqonaysa in tartan ay la galaan Madaxwayne Siilaanyo ay ka door bidayaan inay taageerada shacabka kula tartamaan Muuse Biixi Cabdi.

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday