Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa loogu Sameeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

AASKA SULDAAN MAXAMED SULDAAN ABDIQAADIR 2021
AASKA SULDAAN MAXAMED SULDAAN ABDIQAADIR 2021
Hargeysa(aftahannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta faca weyn, kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
AASKA SULDAAN MAXAMED SULDAAN ABDIQAADIR 2021
AASKA SULDAAN MAXAMED SULDAAN ABDIQAADIR 2021
Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, garaaddo iyo madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka axsaabta qaranka, siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahan, haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey suldaanka geeriyooday.
Madaxweynuhu waxa uu suldaanka geeriyooday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo sidoo kalena wiilkii curad ee marxuumka isla maantana loo caleemo saaray suldaannimona ugu duceeyey inuu hawsha suldaannimo u fududeeyo, “Ilaahay ha u naxariisto suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo aynnu maanta halkan uga ducaynaynaa inankiisii oo maanta isagana loo caleemo saaray suldaan, isagana Ilaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa fiidkii hore ee xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxana uu hormuud u ahaa madaxda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xilka suldaannimona soo hayey muddo ku siman 45-sannadood.
Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya taariikhdii Marxuum Suldaan Maxamed:-
https://youtu.be/Hqp2hmPsMQY