Wakaalada Biyaha Hargaysi Ma Waxay Isku Badashay Bakhaar Sacaadaha Iibiya

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine  

Wakaalada Biyaha Hargeysa waxay u taagan tahay siday shacbiga ku dhaqan Hargeysi u heli lahaayeen Biyo ku filan oo nadiifa, halkudhigani waa mid badanaa ay isticmaasho Wakaalada Biyaha Ee Hargaysi taas oo lagu qoro bogaga ay baraha bulshadu ay ku leedahay haayadu.
12 Dec 2016 waxaa xilka Mareeyaha la wareegay Maxamed Cali Darood taas oo uu xilka u magaacabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanay ka mid tahay hayaadaha aanu faragalin isla markaana seeftiisa isku shaandayntu gaadhin Madaxweynaha imika talada haya Mudane Muuse Biixi Cabdi iyadoo ahayd meel si aad ah ugu baahnayd in dhiig cusub lagu shubo oo maamul dardar leh lakeeno si ay ula jaanqaado baahiyah biyaha ee marba marka ka danbaysa isa soo taraya.
Hayadan oo ah mid ku fashilantay shaqadii ay Qaranka u haysay madaama ay biyo ku filan Bulshada Caasimada siin kari wayday ama biyaheeda gaadhsiin kari wayday dagmooyinka Hargaysi ka koobantahay isla markaana ay yihiin qaar ku kooban dhawar degmo oo kaliyaata.
Bulshada yar ee ay wakaaladni Biyaha siiso waa qaar dhibaato ku qaba habdhaqanka ay ula dhaqmaan macaamiishooda ay wax ka iibiyaan waxaana ka mid ah dhaqamadaasi.
1: Inaanay bulshadaa maacaamiisha u ahi aanay helin biyo ku filan oo laysku halayn karo
2: Inaanay tixgalin macaamiishooda oo ay ugu hanjabaan in ay biyaha ka goynayaan haddii uu lacagta biilka bisha kowdeeda bixinwaayo taas oo laga yaabo inuu qofkaasi shaqaale dawladeed yahay oo ay lacagtu u timaado bisha markay Maalmo tagaan.
3: In lacag badan oo qaali ah laga qaado marka qofku doonayo inuu soo xidho Biyo galin cusub.

Iyadoo dhaqamadaas iyo qaar kaloo badan lagu qabo ayay hadana wakaaladu 28/1/2021 waxay soo saartay  amar Bulshada ku noqday Layaab, Naxdin, Amakaaga Iyo Culays Aanay Qadi karin ka dib markii ay u sheegtay inay macaamiisheeda ay Biyaha siiso soo iibsadaan Saacado qaali ah oo qiimahoodu yahay $50 isla markaana ay keentay Wakaalada Biyaha Hargaysi, hadaba su,aasha meesha taala ayaa ah Wakaaladu Biyuhu ma waxay isku badashay Bakhaar Sacaadaha iibiya.
Madaama oo ganacsiga Somaliland lagag dhaqmaa uu yahay Ganacsiga xorta ah oo ay dalka jiraan shirkado ka shaqeeya soo dajinta sacaadahaas waa khalad in awood dawladnimo loo adeegsado bulshadana lagu khasbo inay iibsadaan sacaadaha ay wakaaladu keentay.
waxaan doonayaa inaan halakan hamblyo uga diro Shirkada adeega Sharciyada ee Talosan oo sharci daro ku timaamay in Sacaadaha ay iibinayso Wakaalada Biyaha Hargaysi bulshadan uga digay inay isticmaalaan qalabkaas, arrimahaas waxaa ka hadlay Agaasimaha shirkadaas mudane Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed Burhaani waxana uu yidh “ Qoraalka ay Wakaalada biyuhu ku baahiyeen Warbaahinta iyo Baraha bulshada ee ay ku tilmaameen dadkana ku wergalinayaan inay iibinayaan sacaad casri ah oo qoraysa meter kuyuubiga biyaha Dagmada Ibraahim Koodbuurna ay ku bilaabayaan qoraalkaasi waa sharci darro waxaanu ka hor imanyaa Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland gaar ahaan qodobka afar iyo tobnaad gaar ahaan xubintiisa kobaad iyo xubintiisa saddexaad ee dastuurka kaas oo ka mamnuucaya Haayadaha Dawliga ah inaan looga faa’idaysan dano gaar ah noocu doono ha noqdee sidoo kale qoraalkan Wakaalada biyuhu waxa uu si toos ah uga hor imanyaa Qodobka 27aad iyo ka 28aad xubintiisa labaad xeer lambar sagaal iyo afartan ee 2011 iyo xeerka biyaha qaranka kaas oo u tilmaamaya una sheegaya waajibaadka Wakaalada Biyaha oo ah inay tahay biyo bixiye/ siiye waxaanay bulshada u haysaa adeeg dawli ah mana ah adeeg ganacsi, waxaa muuqata in Wakaaladii Biyuhu inay isku badashay ganacsi, haayad ganacsi oo faa’iido doon ah sababtoo ah markay leeyihiin waxaanu keenay saacad casri ah oo aanu ka iibinaynaa bulshada $50 dollarna waanu ka siinaynaa qiimo cayimana ku qaata waa qayrul sharci waxaanaan soo jeedinaynaa inay wakaaladu arrinkaa ka noqoto’’. Waxa kaloo agaasimuhu sheegay haddii ay go’aanka Wakaalada biyaha Hargaysi ka noqon waydo inay ka shirkad ahaan ka gudbinayaan dacwad ka dhan ah qoraalkeedaas ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Haddaba aynu usoo daadagno dulcda maqaalkeenan waxaan halkan baaq u dirayaa cidkasta oo wax ka qaban karta goaankaa ay soosaartay wakaalada biyaha Hargaysi sida Madaxweynah Jsl. Golayaasha sharci dajinta, Xisbiyadda Mucaaridka ah iyo Maxakamada sarre inay usoo gurmadaan Bulshada Danyarta ah ee ay Wakaalada Biyaha Hargaysi ku khasbayso waxaanay awoodayn.

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine