Wada-hadallo loogu Gogol-xaadhayo Qunsuliyad Kenya ka Furanayso Hargeysa oo ka bilaabmay Nairobi

Nairobi (Aftahannews) – Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Weftiga oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Qorshaynta Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa waxay la kulmeen Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Kenya, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxa Shaqaalaha Dawladda Kenya Joseph Kinyua.

Wargeyska Business Week oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, ayaa sheegay in Wada-hadallada ay yeesheen Weftiga Somaliland iyo Madaxda Kenya uu yahay Wareeggii labaad ee Wada-hadallo kor loogu sii qaadayo xidhiidhka labada Waddan, ka hor Qunsuliyad ay Kenya ka furanayso Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka ay yeesheen Weftiga Somaliland iyo Madaxda Dawladda Kenya, waxa qayb ka ahaa Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaasi oo sheegay in Wada-hadallada Weftiga Somaliland ka socda iyo Madaxda Kenya ee Joseph Kinyua ka mid yahay ay salka ku hayaan heshiiskii ay hore u kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta, xilligaas oo Madaxweynaha Somaliland uu booqasho rasmiya ku tagay Nairobi.

Wakiilku wuxuu sheegay in heshiiska isfaham ee labada Madaxweyne ay hore u kala saxeexdeen uu ku jiray Jadwal wakhtiyaysan, kaasi oo dhigayey in labada dhinac ay kulamo yeeshaan, sidaasi darteed uu kulanka Nairobi ka dhacay uu arrintaasi la xidhiidho, iyadoo la raacayo meelaha muhiimka ah ee heshiiska.

Heshiiska labada Madaxweyne ayaa waxa ka mid ahaa in Xafiis-wakiileedka ay Somaliland ku leedahay Nairobi laga dhigo Qunsuliyad, sidaas oo kalena Kenya ay Hargeysa qunsuliyad ka furato bisha saddexaad ee sannadkan 2021.

Aftahannews.com/Hargeisa Office