Somaliland oo Ka Hadashay Sababta Xoolo Berbera Laga Dhoofiyey Sucuudigu Dib ugu Soo Celiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta Markab Xoolo ka qaaday Dekedda magaalada Berbera ay Dowladda Sucuudigu dib ugu soo celisey.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Arbacadii maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Markab ka mid ah Maraakiib dhawaan Shixnado Xoolo ah ka qaaday Dekedda Berbera ay Dowladda Sucuudigu dib ugu soo celisay Somaliland, ka dib markii furuuruc lagu arkay Xoolahaas.

Wasiir Sulub waxa uu sheegay in si looga taxaddiro in Xoolo dambe oo laga dhoofiyey Somaliland dib loo soo celiyo, ay diyaariyeen Dhakhaatiir Maraakiibta xoolaha qaada ka raaci doona Dekedda Berbera iyo Dawooyinka ay u baahan karaan, si haddii xaalado Xanuun Xoolaha soo food-saaro inta ay Badda ku sii jiraan Badda dhexdeeda ay ugu sii dawayn karaan Dhakhaatiirtu.

Haddaba, Warka Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Xoolaha la soo celiyey iyo arrimo kaleba uu kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.