“Cali Khaliif waa Wiil Abti loo yahay, laakiin ka yeeli mayno Siyaasad dantiisa oo keliyi ku jirto …” Wasiir Xaglo-toosiye

Buuhoodle(Aftahannews):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo socdaalkiisii ugu horreeyey intii uu Wasiirka ka noqday Somaliland maalmihii u dambeeyey ku jooga magaalada Buuhoodle ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaa sheegay inaanay Buuhoodle noqon doonin dhagax uu qof waliba isku taago oo uu danihiisa siyaasadeed ku gaadho, isla markaana waxa uu sheegay inaanu Cali Khaliif Galaydh ka yeeli doonin inuu danihiisa siyaasadeed oo keliya ku hirgeshado kacdoon uu reer Buuhoodle gliyo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, ayaa sidoo kale sheegay in aan Cali Khaliif laga yeelayn inuu dadwaynaha reer Buuhoodle ku fushado danihiisa siyaasadeed ee u gaarka ah isla-markaana Magaalada Buuhoodle aanay noqonayn dhagax la isku taago oo cid walba danteeda ku gaadho.

xaglo (1)

“Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan  ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu kuurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay. Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen, Maxaabiistana soo deynay, aniguna waxaan imid magaaladaydii aabahay joogay ee tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu ciidan iyo ilaalo ku galin Buuhoodle, hasa-yeeshee lagu soo dhaweeyay “Ciidan Somaliland ah oo aniga daacad ii ahi way joogeen, laakiin kuwaas kumaan imane waxaan ku imid nin ka mid ah deegaanka oo u dhashay, wax ka qabtay oo shacacbkiisu taageersan yihiin, jecel yihiin, waana la igu soo dhaweeyey” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray; “Ciidan aan watay ma jirin, buuhoodle ciidan iyo Hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta maanta ii dhacdayna waxay ahayd mid aan anigu awood ku muquuniyeye waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, oo la waydiiyey sida uu u arko joogitaanka Buuhoodle ee Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayuu ku jawaabay “Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga, cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakiin ka ogolaan mayno Cali khaliif siyaasaddii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle-na noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro.”

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Buuhoodle, ayaa ka waramay ujeedada safarkiisa, sidii loogu soo dhaweeyay iyo joogitaanka Dr. Cali Khaliif Galaydh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.