Farmaajo oo markale Shir isugu yeedhay Madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo gobolka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews) –  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir mar kale isugu yeedhay madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo ka furmaya 15ka bishan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

Shirkan ayaa la sheegay in loo arinsanayo fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaadheen magaalada Muqdisho 17kii September 2020.

Kulanka mar kale uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii dhowr cisho ka hor lagu soo kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb ee madaxdu uga wad hadlayeen arrimaha doorashada kaddib markii leysku khilaafay arinta gobolka Gedo oo dowladda dhexe iyo Jubbaland wali isku mari la’yihiin. 

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoonka Golaha Shacabka

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ka wada hadlleen xaalada dalka dhaqdhaqaaqyada sideed ee socda, iyadoo dhinaca kale lagu waddo in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka. 

Kulanka uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya xili muddo madaxweynuhu uu ku ekaa 8bishan February, oo ku dhan afar sano kaddib markii xlkan loo doortay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.