War Deg-deg ah: Qarax hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho

QARAX KA DHAcAY MUQDISHO
QARAX KA DHAcAY MUQDISHO

Muqdisho (aftahannews):-  Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogleh oo inta badan laga maqlayay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa la sheegay in laga soo buuxiyey jawaan, isla markaana la dhigay banaanka garoonka.

Sida ay xaqijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay si nabad ah u fashiliyaan qaraxaas.

Illaa hadda goobta lagama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, oo si badheedh ah ay ciidamada booliska Soomaaliya u qarxiyeen, gaar ahaan qeybta miinooyinka.

Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho aad uga fuliya qaraxyada la dhigo wadooyinka dhinacooda, kuwaas oo ay la sugaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in markasta ay qaraxyadoodu khasaare culus u geystaan shacabka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.