Beesha Caalamka oo War Ka Soo Saartay Hadal Madaxweyne Biixi Ka Soo Yeedhay iyo doorkooda doorashada Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Dowladaha dunida ee taageera hannaanka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay doorka ay farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan ka qaadanayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo lagu wado inay 31-ka May 2021-ka ka qabsoonto Somaliland.

Dowladda Ingiriiska iyo Dalalka kale ee Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddiga doorashooyinka Somaliland. Halka uu Madaxweynaha Muuse Biixi shalay sheegay inay doorashadani noqon doonto tii ugu horreysay ee ay Somaliland ku keliyeysato farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Hase-yeeshee, War-Saxafadeed wada-jir ah oo ay soo saareen Dowladaha Sweden, Norway, Maraykanka, Germany iyo UK oo ay maanta baahisay Wasaaradda arrimaha dibedda Britain, ayaa lagu boggaadiyay hannaanka ay u socdaan doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka iyo sidii ay ku soo dhammaatay diiwaangelintii codbixiyaasha oo dib loo diiwaangeliyey dadkii aan is-diiwaan gelin lix sano ka hor iyo intii gadaal ka gaadhay wakhtiga xeerku u oggolyahay inay kaadhka codbixinta ku qaataan iyo sixitaanka kuwii hore wax uga qaldameen 2016-kii.

Dalalkan, ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda Xisbi ee Somaliland in la ilaaliyo heshiiskii ay hore Xisbiyadu uga gaadheen Qoondada Kuraasta Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco ee Somaliland.

Bayaankan, ayaa ku soo beegmaya, isaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Isniintii shalay mar uu la hadlayey Maayerrada iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka sheegay in ay Somaliland iska bixinayso oo ay keli ku tahay dhaqaalaha iyo farsamada doorashooyinka la mataaneeyey ee wakiillada iyo deegaanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.