Somalia: Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday oo Caawa la Shiraya Guddoonka Golaha Shacabka

Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka
Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa qoraal kooban kasoo saartay kulan caawa maadxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka
Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalkan wax faah-faahin ah loogama bixin wada-hadallada socda.

Kulankan ayaa imanaya, iyadoo maanta ay xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Sidoo kale, kulankan caawa uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay guddoonka golaha shacabka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Arbacada berri ah uu Ra’iisal Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheynayo inuu horgeeyo codsi muddo kordhin ah.

Inkastoo xukuumaddan wakhtigu ka dhamaaday ayna weli cadeyn inay dooneyso mudo kororsi, hadana qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku doodaya inuu jiro damacaas, isla markaana ay si adag uga hor tegayaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.