Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland: “Waxaan soo jeedinayaa in Dadka danbe ee la qaadanayo loo sameeyo Sanduuq, loogu abuuro Shaqo..”

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali, ayaa qaabbilay dhalinyaradii soo dhammaysatay barnaamijka shaqo qaran, qaybtii dooratay in ay ka hawl-galaan maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, Agaasimaha guud ee shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cisman (Mu’adinka) iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradii soo dhamaysatay, barnaamijka shaqo qaran. Dhalliyaradaasi oo ay tiradoodu dhamayd 31 qof oo ka kala yimid lixda gobol ee waaweyn, ayaa si rasmi ah uga hawl-gali doona maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran, Maxamed Xuseen Cismaan, waxaanu xusay in dhallinyaradu aanay seegin ballan-qaadkii xukuumadda, ee ahaa in la hawl-galiyo, waxaanu da’yarta u soo jeediyay in ay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa  soo dhaweeyay dhallinyarada dooratay in ay ka mid noqdaan hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu ku booriyay in ay kaalin muuqata ka qaataan shaqada hay’adda garsoorka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhallinyaradii shaqo-qaran ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kamid noqdaan Bahda garsoorka.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhallinyarada soo dhamaysatay barnaamijka shaqo-qaran ee ka hawl-galaya maxkamadaha dalka, waxaanu bogaadiyay masuuliyiintii hir-galisay barnaamijkan oo uu ugu horeeyo madaxeynaha JSL.

Sidoo kale, waxa uu dhallinyarada u hoga-tusaaleeyay in ay tahay wax fiican in qofku kartidiisa iyo aqoontiisa wax ku helo, waxaanu yidhi; “Mustaqbalka waxaan soo jeedinayaa in dadka danbe ee la qaadanayo loo sameeyo sanduuq, loogu abuuro shaqo. Dabadeedna dadka bartay dhaqaalaha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo ganacsiga ay iyagu shaqo u sii abuuraan, si ay iyagu wax usoo kordhiyaan oo muwaadiniinta kale ee Somaliland shaqo ugu abuuraan, oo layidhaa barnaamijka shaqo qaran, shaqo uun may raadsane iyagii baa shaqo abuuray”.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.