Qareennada Trump Maxay ka yidhaahdeen inuu Dhiirrigeliyey Weerarkii Congreska Maraykanka?

Donald trump
Donald trump

Washington (Aftahannews)- Qareennada u doodaya Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay hore ugu sameeyeen aqalka Wakiilada.

Qareennada ayaa waxay sheegen in taageerayaashiisa 6 bishii January weeraray xarunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo aanu madaxwaynaha amrin.

Qaadida dacwadaha loo haysto Mr Trump ayaa lagu wadaa in ay maanta ka bilaabmaan aqalka sanetka ka dib markii ay aqalka wakiilada ay markii labaad xil ka qaadis ku sameeyeen bishii aanu soo dhaafnay.

Donald trump
Donald trump

Waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu eedeeyay in uu sameeyay “kicin dadwayne” ka dib khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ka hor dibadbaxa ay ku galeen aqalka congreska.

Mr Trump ayaa sheegay in aanu ka hor markhaati furi doonin aqalka sanetka hortiisa.

5 qof oo uu ka mid ahaa askari ka tirsan booliiska ayaa ku dhintay ka dib markii taageerayaasha Trump ay u dhaceen dhismaha Congreska ee Capitol, halkaasi oo siyaasiyiinta ay ku qasbanaadeen inay gabaad raadsadaan.

Mr Trump ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay traaiikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

Trump ayaa isaga hore u diiday in doorashadii dalkaasi ka dhacday lagaga adkaaday, balse markii dambe xilka wareejiyay.

Madaxwayne hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuyadda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.