Midowga Yurub oo ku Baaqay in Ciidammada Eritrea ka baxaan gobolka Tigray-ga ee Ethiopia

ciidamada Eritrea
ciidamada Eritrea

Mekelle(Aftahannews)- Golaha Midowga Yurub (EU), ayaa xoojiyay baaqii dowladda Mareykanka ee ku aaddanaa in Ciidammada dalka Eretariya ay ka baxaan gobolka Tigray eek a tirsan waddanka dariska la ah ee Itoobiya.

Warka kasoo baxay Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in joogitaanka militariga Eretariya uu sii hurinayo colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Dowladaha Itoobiya iyo Eretariya labaduba waxay hore u beeniyeen eedeymaha la xidhiidha in ciidamada Eretariya ay ku sugan yihiin Tigray, laakiin inkiraaddooda waxay mararka qaar ka iskhilaafayeen hadallo ay jeedinayeen saraakiil ka tirsan isla dowladda Itoobiya.

ciidamada Eritrea
ciidamada Eritrea

Bayaanka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in goluhu ‘uu aad uga walaacsan yahay mudiibada bani’aadannimo ee ka taagan’ gobolka Tigray, waxayna dowladda Itoobiya ku boorriyeen in ay si aan xaddidneyn u fasaxdo howlaha gurmadka bani’aadannimo, sidoo kalena ay ilaaliso dadka rayidka ah iyo qaxootiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Eretariya, Yemane G. Meskel, oo ka jawaabayay warka kasoo baxay Golaha reer Yurub, ayaa hadalkooda ku tilmaamay “wax laga naxo marka la eego qodobbada aasaasiga u ah.”

Dhanka kale, hayadda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee NRC, oo laga leeyahay Norway, ayaa sheegtay in la gubay dhismeyaal iyo xarumo ay ugu talo gashay inay ku bixiso gargaarka bani’aadannimo.

Hayadda ayaa sheegtay in Sawirro uu qaaday qalabka Satellite-ka ay muujinayaan in waxyeelladaas ay dhacday intii u dhaxeysay 5-tii ilaa 8-dii bishii January, xilligaas oo ah in ka badan 2 bilood kaddib markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday in ay guul ka gaadhay dagaalka ayna si buuxda gacanta ugu dhigtay caasimadda gobolka Tigray.

Labo xero oo dhibaatooyin la gaadhsiiyay waxay hoy u ahaayeen in ka badan 20 kun oo qaxooti reer Eretariya ah, haddana ma tagi karaan kooxaha gurmadka.

Laanta dowladda Itoobiya qaabilsan qaxootiga ayaa hore u sheegtay in “toogashooyin meelo gaar ah lagu bartilmaameedsaday” iyo “haraadiga xoogagga TPLF oo geysanaya weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah” ay ku adkeeyeen in ay gaadhaan labada xero.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.