Madaxweynaha Maxkamadda Dembiyada Caalamka ee ICJ oo loo doortay Haweenay

Joan E. Donoghue
Joan E. Donoghue

Maxkamadda Dembiyada Caalamga ah ee ICJ, ayaa loo dooratay Madaxweyne cusub oo xilka hayn doona saddexda sano ee soo socda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda.

Madaxweynaha cusub, ayaa ah Gabadh xaakimka ah oo u dhalatay dalkan Maraykanka ee la yidhaahdo Joan E. Donoghue.

Xaakim Joan Donoghue, ayaa xilkan kala wareegaysa xaakimka Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo u dhashay Soomaaliya. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

Joan E. Donoghue
Joan E. Donoghue

Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha March ee soo socota.

Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin:

Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.