Abiy Ahmed Muxuu ka yidhi Xaaladda Dowladda Soomaaliya ee Waqtigeedu Dhammaaday?

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in xukuumadiisu aanay ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoogaggii TPLF ku eedeeyay kala qeybinta wadamada Geeska Afrika.

Xukuumadda uu taladeeda hayo Abiy Ahmed, ayaa gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigreega kula dagaallamay TPLF, wuxuuna guushaas ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisal wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid qaydhiin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatadu ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed,” Ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxwenaha wakhtigiisu maanta ku eg yahay ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aanu ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soomaaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda kaga jirta.

Sidoo kale, Abiy Ahmed wuxuu sheegaa in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.