Tirada Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Qaraxyo gilgilay Nairobi

Nairobi(Aftahannews):- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 27-ruux oo shan ka mid ah ay yihiin carruur-na way ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay waddo muhiim ah oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen in lix qof oo dadka dhaawacmay ka mid ah ay xaaladoodu aad u daran tahay.

Qaraxyo_Nairobi_ka_dhacay_2

Qaraxyo_Nairobi_ka_dhacay_4 Qaraxyo_Nairobi_ka_dhacay_3 Qaraxyo_Nairobi_ka_dhacay_5 Qaraxyo_Nairobi_ka_dhacay_1

Qaraxyadan oo ahaa kuwo is-bar-bar-socday ayaa lala beegsaday laba bas oo kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay waddada Thika oo ah mid mashquulka badan oo marta bartamaha magaalada Nairobi.

Bambaanooyinkan oo ay basaska ku tuureen kooxo aan la garanayn ayaa waxaa mid ka mid ah lagula beegsaday bas agagaarka hoteel lagu magacaabo Bluesprings halka bamka kalena lala beegsaday bas marayay agagaarka saldhigga Kasarani.

Labada bas ayaa waxay marayeen xilliga qaraxyada lala beegsanayay goob aad u mashquul badan oo ay ku sugnaayeen dad badan, taasoo sababtay dhaawacyada dadka faraha badan, kuwaasoo la geeyay isbitaallada waaweyn ee Nairobi.

 

“Waxay ka mid ahaayeen labada qof ee dhintay dhaawacyo fara badan oo isbitaalka la keenay,” ayuu yiri Dr. Antonio Milito oo ka howlgala isbitaalka Ruaraka Uhai Neema oo ka mid ah isbitaalladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxydan.

Basaska lagu weeraray qaraxyada ayaa waxaa kala lahaa shirkadaha Mwi Sacco iyo Jean transporters, waxaana xilliga qaraxyadu ay dhacayeen ay wadeen dad aad u fara badan oo u socday magaalada Githurai.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in bam saddexaad oo la doonayay in isna lagu qarxiyo agagaarka hoteelka Hilton uu fashilmay, iyadoo qaraxyadan Nairobi ka dhacay ay imaanayaan iyadoo ciidamada ammaanka dalkaas ay wadeen howlgallo ay ku sugnaan ammaanka.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay ay sidaan oo kale laba qarax oo is-xigay ay ka dhaceen magaalada Mombasa, kuwaasoo ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen 15-qof oo kale.

Xigasho Hiiraan.com.