Dowladda Ingiriiska oo Madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg-deg ah u kulmaan

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender

Muqdisho (Aftahannews)- Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa ku baaqay in la dar-dargaliyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-goynayo heshiiskii la gaadhay 17-kii bishii September ee sanadkii 2020.

Safiirka oo adkeynaya fariin ka timid Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in wadada kaliya ee lagaga gudbi karo marxaladan ay tahay inay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan.

“Madaxda waa inay mar kale si deg-deg ah u kulmaan, heshiiskii Dhuusamareeb hormar ayaa laga sameeyay, wadar ogolna waa la gaadhi karaa, waana in la iska ilaaliyo in qolo gaar ah ay tallaabo qaado” ayuu yidhi Ben Fender.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu dalbaday inay si deg-deg ah u kulmaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaana ka arinsadaan xaaladda xasaasiga ah ee lagu jiro.

Sidoo kale, safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa isna adkeeyay fariintan, waxuuna ugu baaqay inay isku yimaadaan, lana yimaadaan, heshiis doorasho oo hore loogu socon karo.

Arintan ayaa imanaysa, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo ay musharaxiinta mucaaradka ugu yeedhaan madaxweynahii hore Soomaaliya.

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa hadda noqotay mid xil heyn ah, sidoo kalena labada aqal ee Baarlamaanka ayaa wakhtigooda dhamaaday dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.