Sheekh Maxamed Idiris oo Dowladda Federaalka ku dhalliilay qorshe xumo

Sheekh Maxamed Idiris
Sheekh Maxamed Idiris

Muqdisho (Aftahannews)- Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay inaanay la iman qorshe Soomaaliya lagaga badbaadin karay qalqalka siyaasadeed ee ka jira.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa Alle ka baryay in ummadda Soomaaliyeed uu ka badbaadiyo wax kasta oo dhib ah, iyadoona uu ku baaqay inaanan xasillooni darro loo horseedin dalka iyo dadkaba.

“Ilaahay waxaan ka baryayaa ınuu dadka ıyo dalka Soomaalıyeed badbaadıyo, wax kasta oo dhib ahna ka hayo. Hala ogaado fitnada cidina kama faa’iiddo, kan huriya ayaa ugu hor gubta.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Idiris.

Sheekh Maxamed Idiris
Sheekh Maxamed Idiris

Sidoo kale, waxaa uu sheegay muddadii ay haysteen Madaxda Dowladda Soomaaliya inaanay la imaan qorshe dalka lagaga qaban karay doorasho, isla-markaana ayna heshiis siyaasadeed oo muddo kordhin ah la gaadhin dhinacyada siyaasadda, cid walbana ay talo ka diideen.

“Waxaa xaqiiq ah in muddo xileedkii dowladdu dhamaaday. Waxaa u furnayd inta aan muddadu dhammaan in loo kordhiyo ama heshiis kale la gaadho ama doorasho la qabto, intaasuba ma dhicin. Culimo iyo wax garadna horaa talo looga diiday.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Idiris.

Waxa uu kaloo uu yidhi “Xagga sharciga Baarlamaanka ayaa xoogaa yar nafi ku dambaysaa iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee ay ku heshiiyeen. waxaa hadda inoogu dhib yar inuu Baarlamaanku wixii lagu heshiiyay wax ku maamulo, dowladda iyo mucaaradka kursigu u muuqdaana naftooda laga badbaadiyo, dadka iyo dalkana laga badbaadsho, Ilaahow na caymi, oo ummadda sida khayrku ugu jiro waafaji.”

Sheekh Maxamed Idiris ayaa warkan ku sheegay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xidhiidho ee Facebook.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.