Ujeeddada Wefti ka socda Somaliland oo gaadhay Jigjiga

Weftiga Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ee gaadhay Jigjiga
Weftiga Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ee gaadhay Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews) — Wasiirka wasaaradda Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee runta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka iyo waftigiisa, waxaa magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweeyay, masuuliyiin ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ujèedada wafdigan ee Jigjiga ayaa daaran si ay uga qaybgalaan tartanka kubada cagata, ee gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka Soomaalida, oo bari si rasmi ah uga furmi doona magaalada Jigjiga.

Weftiga Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ee gaadhay Jigjiga
Weftiga Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ee gaadhay Jigjiga

Wasiir ku xigeenka xafiiska Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Axmad Xasan Iimaan, oo wefdiga soo dhaweeyay ayaa sheegay, in booqashada wafdigani ay qayb ka tahay isdhexgalka iyo iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya, Deegaanka Soomaalida iyo wadamada dariska ah.

Dhankiisana, wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee Somaliland, Boos Mire Maxamad, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in lagu martiqaado Koobka 8aad ee tartanka ciyaaraha kubada cagta, ee gobolada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka Soomaalida.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.