Muxuu sharcigu ka qabaa muddo xileedka dhamaaday ee Farmaajo?

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa maanta ka dhammaaday muddo xileedkiisa iyadoo ayna jirin heshiis laga gaadhey hanaankii doorashada ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyayaasha mucaaradku waxay sheegeen inaanay madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kalena, labada Aqal ee baarlamanka ayaa bishii Sebtember ee sannadkii hore ansixiyey qaraar dhigaya in hay’addaha dastuuriga ee xilligan jira ay xilka sii haynayaan illaa lasoo doorto hay’adihii beddeli lahaa.

Hoos ka dhagayso warbixinta

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.