Xassan Sheekh oo Farmaajo ku eedeeyay in uu mugdi galiyay mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu hadalka u dhiggay dalka galiyay mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

”Waa xaqiiqo aan la jecleyn in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse Soomaaliya waxaa ay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag, waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragtiwadaag” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Qoraalka Xassan Sheekh ayaa imanaya xili wali ay su’aali ka taaggan tahay jihada uu qaadayo dalka mar haddii uu soo idlaaday muddo xileedkii dhamaanba hay’addaha dowladda oo maanta ku ekaa ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.