Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dib u celiyay Ra’iisal Wasaare Rooble oo khudbad ka jeedin lahaa Golaha

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa dib uga laabtay khudbad uu doonayay in uu u jeediyo xildhibaannada Golaha Shacabka taasoo uu kaga hadli lahaa wax qabadka xukuumadiisa muddadii uu xafiiska joogay.

Xildhibaannada qaar ayaa ku dooday in aheyd 24 saac ka hor in la soo gudbiyo ajandaha Ra’iisal Wasaaraha si loo sii ogaado, sidaa daraadeed looga baahan Ra’iisal Wasaaruhu in uu ka laabto hor imaanshihiisa Golaha.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Gudoonka Baarlamaanka oo aqbalay soo jeedinta xildhibaannada ayaa markii danbe sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu hor iman doono Golaha maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10ka bishan February.

Maalin ka hor ayuu madaxweynaha Soomaaliya khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Golaha Shacabka taasoo inteeda badan la xidhiidha arrimaha doorashada iyo fashilka ku yimid shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Dhuusa-Mareeb.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.