Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Daah-furay kulan laggaga hadlayey habka Cashuur Bixinta Casriga ah

Wasiirka Maaliyadda Somaliland
Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa daah-furay adeeg dhanka cashuur bixinta ah oo ay iska kaashadeen wasaaradda maaliyadda iyo shirkada SOMTEL.

Munaasibada lagu daah-furaayay adeegga E-Dahab ee cashuur-bixinta ayaa ah mid loogu talo galay in ganacsatada loogu fududeeyo inay cashuurta ku bixin karaan si sahlan, iyagoo adeegsanaaya barnaamijka E-Dahab ee shirkada SOMTEL.

Shaacinta barnaamijkaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, hawlwadeena waaxda cashuuraha beriga ee wasaaraddaasi, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo masuuliyiin ka socday shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland
Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkaasi qayb ka yahay dedaalada wasaaradda maaliyadda ee dhanka horumarinta bixinta cashuuraha, waxaanu intaas ku daray in wasaaraddu talaabadan u qaaday si dadka cashuurbixiyeyaasha ahi ay si sahlan iskaga bixin karaan cashuuraha ku waajibay.

Gudoomiyaha shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Daa’uud iyo madaxa suuq-haynta ee shirkaddaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddu wasaaradda maaliyadda kala shaqayn doonto sidii loo fududayn lahaa loona horumarin lahaa bixinta cashuuraha, addeegaasina yahay mid shirkaddu xil weyn iska saari doonto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo agaasimaha waaxda cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkaas ku saabsan fudaynta cashuur-bixinta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si rasmi ah u daah-furay adeegaas E-dahab ee cashuur-bixinta wuxuuna sheegay in arrintaas qayb ka tahay xoojinta cashuur-qaadista iyo tayeynta qaababka kala duwan ee muwaadiniintu ay u bixin karaan cashuuraha ku waajibay, waxaanu wasiir Sacad intaas ku daray in barnaamijkaas yahay mid wasaaraddu ku dedaali doonto sidii uu u noqon lahaa mid ay cashuuraha ku bixiyaan muwaadiniintu iyagoo guryahooda iyo goobohooda shaqo ku sugan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.