Xisbiga WADDANI oo abaabulaya gudbinta Mooshin Qaddiyadda Somaliland lagu taageerayo

Finland(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa abaabulaya Mooshin lagu taageerayo qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo la filayo in dhawaan loo gudbiyo Baarlamaanka waddanka Finland.

Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu Mooshinkaas la kaashanayaa Xisbiga Shanaad ee dalka Finland oo ay Masuuliyiin ka tirsan kulammo yeedheen Masuuliyiinta WADDAIN oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiya Garabka dhalinyarada WADDANI ee Finland Suldaan Siciid Axmed.

Tallaabadan uu Xisbiga WADDANI qaaday, gaar ahaan uu abaabulay Suldaan Siciid Axmed oo ah Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI laantiisa Finland oo isaguna ah Siyaasi dhalinyaro ah, ayaa haddii ay hirgesho noqonaysa mid guul wayn u ah Jamhuuriyadda 23 jirka ah ee Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka helin beesha Caalamka, waxaanay Xisbiga WADDANI hirgelinta tallaabadani u sahli kartaa Taageero wax ku ool ah oo uu Shacabka reer Somaliland ka hanto.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.