Qaramada Midoobey iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in gargaar la siiyo shacabka Tigray

Qaramada Midoobey iyo Itoobiya
Qaramada Midoobey iyo Itoobiya

Addis Ababa (Aftahannews)- Madaxa ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay heshiis la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaahdiyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray si shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado inay gaaraan halkaas.

David Beasley wuxuu sheegay in ku dhawaad 3 malyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobey iyo Itoobiya
Qaramada Midoobey iyo Itoobiya

Qaramada Midoobey waxay marar badan cabasho ka muujisay in shaqaalaha gargaarka loo diiday inay galaan gobolka si dadka taabaleysan ay u gaadhsiiyaan gargaar.

Dagaal ayaa weli ka socdaa gobolka inkasta dowladda ay sheegtay inay la wareegtay gobolkaas.

Labada dhinac wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin kufsi iyo in dadka si ula kac loola beegsaday macluul.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.