Xaaladda magaalada Buuhoodle oo Cakiran, ka dib Dil Shaqaaqo ka dhalatay oo loo geystay Nin Ganacsade ahaa

Magaalada-Buuhoodle
Magaalada-Buuhoodle

Buuhoodle (Aftahannews) – Magaalada Buuuhoodle ee Xarunta Gobolkaasi, ayaa waxa habeen hore lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade, halka nin kalena lagu dhaawacay.

Dilka Ganacsadaha ayaa waxa dhashay Is-rasaasayn dhex martay labada Beelood oo halkaasi wada dega, kuwaasi oo midkood uu ka soo jeedo labada Beelood ee Maleeshiyaadkoodu gudaha Buuhoodle isku Rasaaseeyeen.

Labada Beelood ee Maleeshiyaadkoodu isku rasaaseeyeen Gudaha Magaalada Buuhoodle, ayaa dhawaan la heshiisiiyey isla-markaana nabad qaatay, hase-yeeshee dilka loo geystay Ganacsadaha ayaa mar kale xaaladda ka dhigay mid cakiran.

Magaalada-Buuhoodle
Magaalada-Buuhoodle

Xildhibaan Cabdihakiin Faarax Budeeye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay dilka Ganacsatada iyo Xaaladda Buuhoodle, waxaanu yidhi “Xalay waxa Magaalada Buuhoodle lagu dilay Nin Ganacsade ahaa Ilaahay ha u naxariisto, Xabaddaa ninka Ganacsada ahaa lagu riday Nin kale ayay u tagtay oo dhaawac ah, isagana waxaan leeyahay ha u boogo dhayo.”

Xildhibaanku wuxuu baaq u diray Shacabka ku dhaqan Buuhoodle “Reer Buuhoodle xaaladdoodu ma wanaagsana ee Caqligu ha taliyo, Shalay baynu Warbaahinta ka daawanayney iyadoo nabad la qaatay, Dadkana waa dad walaalo ah oo wada dhashay oo Magaalada Wada deggan, Dadkana in xun baa ku jirta, Ilaahay ha innaga qabto Dadka inta xun ee marka Nabad la xidhaba wax samaynaysa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gacan ku dhiiglaha hala soo qabto ooh ala dilo..”

Dhinaca kale, Waxa Magaalada Buuhoodle ku qulqulaya Madax-dhaqameed ka kala imanaya deegaannada Gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaadda Buuhoodle, si ay gacan uga geystaan dejinta Xaaladda Buuhoodle.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.