AMISOM oo is hor-taagtay muddaharaad laga soo abaabulay xafiiska Raysal-wasaare Saacid

Muqdisho(Aftahannews):-Taliska Ciidamada AMISOM iyo taliska ciidamada nabad sugidda Dowladda Somaaliya, ayaa  wada jir u diiday oo is hor taagay  banaanbax la doonayey inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo laga soo abaabulay xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, lana doonayey in taageero loogu muujiyo Raysal-wasare Saacid oo uu Madaxwaynaha Soomaaliya ka dalbaday inuu is Casilo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in warqado ay ku kala saxeexnaayeen taliyeyaasha ciidamada nabad sugidda dowladda Soomaaliya iyo kan AMISOM la geeyay xafiiska Raysal-wasaaraha gaar ahaan xafiiska arrimaha bulshada u qaabilsan waxaana loo sheegay inay joojiyaan banaabaxa ay abaabulayaan haddii ay ku adkeystaan qabashadiisana ay wixii ka yimaada iyagu mas’uul ka yihiin.

Warqadaha ka soo kala baxay talisyada AMISOM iyo kan nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in fagaarayaasha iyo waddooyinka Muqdisho aan wax banaanbax ah lagu dhigi-karin, sidoo kale waxa warqadaha lagu sheegay in sababta ay u diidan yihiin banaanbaxa Raysal-wasaaraha lagu taageerayo ay tahay sababo ammaan, iyagoo sheegay in lagu soo dhex dhuuman karo taasina ay ammaan ahaan khatar galin karto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 Maaha markii ugu horeysay ee ay AMISOM is hortaagto banaanbax la doonayey in lagu taageero Raysal-wasaare Soomaliyeed, waxaana la xasuustaa inay diiday banaanbaxyo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay markii dambe oo lagu taageerayey Raysal-wasaarihii Xukuumaddii KMG aheyd ee Farmaajo, inkastoo shacabka Soomaliyeed ay dhegaha ka fureysteen diidmada AMISOM banaanbaxyadana ay qabteen, kuwaasoo geystay khasaare nafeed oo soo gaadhay qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayey ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo diidanaa banaanbaxa in la dhigo.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland