Qarax miino oo Muqdisho lagula eegtay saraakiil ka tirsan booliiska gaarka ah

Qarax lala eegtay Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya
Qarax lala eegtay Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Qarax miinada dhulka ayaa lala eegtay gaadhi nooca ayna xabbadu karin oo ay wateen Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Km4 gaar ahaan Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,.wadadaas oo ah meelaha ugu badan qaraxyadu ka dhacaan.

Waxaa la sheegay in uu ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawal mooto bajaaj ah, warar kale ayaa sheegaya in qof kale ku dhintay, balse weli lama hubo.

Qarax lala eegtay Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya
Qarax lala eegtay Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya

Gaadiidka Bulet Proof oo ay wateen saraakiil ciidan ayaa waxyeelo ka soo gaadhay qaraxa, waxaana islamarkiiba goobta gaadhay ciidamo booliis ah.

Muqdisho waayahan dambe waxaa aad ugusoo kordhay qaraxyada gaadiidka lala eeganayo, waxayna kusoo aadayaan xilli mar xalad xasaasi oo dowladdu ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.