Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray xaalada Soomaaliya ku sugan tahay

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Midowga musharixiinta Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen marxalada Soomaaliya ay marayso iyo fashilka shirkii DhuusaMareeb oo rajo badan oo doorasho laga qabay.

Midowga musharixiinta ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la lahaayeen qeybaha kala duwan si looga arinsado marxalada Soomaaliya ay marayso, madaama saacado uun ka hadhsan tahay muddo xilkeedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

”Iyadoo 8 February oo berri ah naga xigto ay ka hadhsan tahay muddo xileedka madaxweynaha, ayaa waxaa nasiib darro ah in aan la ogeyn dalku halka uu wajahayo, madaama aan ilaa iyo hadda heshiis buuxa laga gaadhin doorashada dalka, gaar ahaan shirkii DhuusaMareeb oo ahaa rajadii ugu danbeysay ee umadda Soomaaliyeed in lagu soo kala taggay” sidaa daraadeed waxaa qasab noqotay in aan la tashi kula noqono qeybaha bulshada” ayuu sheegay mas’uul u hadlay midowga musharixiinta oo warbaahinta kula hadlayay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Midowga musharixiinta Soomaaliya
Midowga musharixiinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhankiisa uu marar badan tanaasul ka sameeyay khilaafka doorashada, isaga oo ku eedeeyay labada dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland ayna raali ka aheyn in doorasho dhacdo.

Midowga musharixiinta ayaa arin ugub ah ku tilmaamay in muddo xileedka dowladda uu dhamaado iyadoo aan la ogeyn halka uu wajahayo iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, iyaga oo ku baaqay bulshada Soomaaliya in ay arintaa wadatashi ka yeeshaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.