Kal-fadhigii 74aad ee golaha Guurtida Somaliland oo maanta furmay

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa maanta si rasmi ah ugu furmay kalfadhigoodii afar iyo toddobaatanaad, ka dib markii ay ka soo noqdeen fasaxii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Guurtida  Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, wuxuuna guddomiye ku xigeenku mudaneyaasha warbixin ka siiyey waxyaabihii u qabsoomay golahaas muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi, oo uu sheegay in dhinacyada nabadgalyada iyo siyaasadda hawlo badan laga qabtay, isaga oo xusay diwaangelintii dalka ka qabsoontay iyo talaabooyinkii la qaaday sidii ay doorashooyinku guud ahaan dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Wuxuuna guddoomiye Siciid Jaamac Cali, uu xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomayaa ay kaga duwan yihii doorashooyinkii hore in gobolka Sool iyo Sanaag bari ay sannadkan ka qabsoomayso, taas oo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgalyada taamka ah ee dalka oo dhan. Gebogebadii guddomiye Siciid Jaamac Cali, waxa uu mudaneyaasha golahaas u soo jeediyey in ay doorkooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee arrimaha doorashooyinka iyo adkaynta nabagalyada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.