Qaramada Midoobay oo War ka Soo Saartay Sida laysugu Diyaarinayo doorashooyinka Somaliland

KULANKA MADAXWEYNE BIIXI IYO WAFTIGA QARAMADA MIDOOBAY 2021.jpg
KULANKA MADAXWEYNE BIIXI IYO WAFTIGA QARAMADA MIDOOBAY 2021.jpg

Hargeysa(aftahannews):- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u Qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray Safar uu toddobaadkan dhammaaday ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo maalmo qaatay.

KULANKA MADAXWEYNE BIIXI IYO WAFTIGA QARAMADA MIDOOBAY 2021.jpg
KULANKA MADAXWEYNE BIIXI IYO WAFTIGA QARAMADA MIDOOBAY 2021.jpg

Ergaygu, waxa uu ku sheegay Warkiisa inay Qaramada Midoobay iyo Saaxiibbada Somaliland ku faraxsan yihiin, sida xal looga gaadhay waxyaabihii xannibayey qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada Somaliland, isla markaana la isugu diyaarinayo doorashooyinkaasi inay si habsami ah u qabsoomaan dhammaadka bisha shanaad ee sannadkan 2021-ka.

WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021
WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021

James Swan, waxa uu ka warramay Kulan isaga iyo Wafti uu hoggaaminayo iyo Masuuliyiinta Xafiisyada Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka shaqeeya, kaas oo uu sheegay inay kaga wadahadleen wadashaqaynta ay Ha’yadahaas iyo Somaliland leeyihiin, iyo siday uga wada shaqayn lahaayeen dhibaatooyinka Abaaro laga baqaqabo inay qaybo ka mid ah Somaliland saameeyaan iyo sidoo kale horumarinta arrimaha bulshada, sida kor u qaadista doorka haweenka, Carruurta, Cadaaladda, horumarinta Biyaha iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.

War-saxaafadeedkiisa James Swan oo dheeraa, mar uu kaga hadlayey dhanka doorashooyinka Somaliland isu diyaarinayso sannadkan waxa uu ku yidhi; “Intii uu socday kulanka aniga iyo Madaxweyne Muuuse Biixi, waxaan sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ogaaday horumarka laga gaadhay doorashooyinka labada gole ee deegaanka iyo wakiillada. Dhammaan saaxiibadda Somaliland waxa ay ka war dhawrayaan doorashooyinkan. Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay Golaha Guurtidu u xaqiijiyeen toddobaadkan in doorashooyinku ay dhacaan 31-ka May 2021.

Dhammaan calaadamaha ay muujinayaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee la xidhiidha diyaarinta farsamada shaqo ee doorashooyinka in ay meel wanaagsan marayaan. Diiwaangalinta codbixiyeyaasha shaqo wacan oo kale qabtay oo la qabtay ayey ahayd oo si habsami ah u wada gaadhay dhammaan gobollada dalka.

Waxaan ka war dhawreynaa shaqada Guddiga Qaran ee Doorashada ee qabsoomidda doorashooyin  guuleysta dhammaadka bisha May. Waxaan ku baaqeynaa habraaca loo dhan yahay, daahna furan inay doorashooyinku ku qabsoomaan.

Waxaan markale uga mahadcelinayaa  madaxweyne Biixi iyo kooxdiisa, iyo bulshada reer Hargeysa soo dhaweyntooda. Waxaan sugeynaa in aan ka wada shaqeynno waxa u wanaagsan bulshada Somaliland sannadka 2021 iyo wixii ka dambeeyaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan uu ka soo saaray Safarkiisa Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.