Madaxweyne Farmaajo oo Sabtida Muddo-kordhin Weydiisanaya Baarlamaanka

Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Sabtida berri lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka Federaalka, si uu u weydiiso muddo-kordhin, maaddaama oo muddo-xileedka la doortay ku dhammaanayo 8-da bishan Febraayo 2021-ka.

War ka soo baxay Baarlamaanka Madaxweynaha, ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in uu isaga oo tagi doono magaalada Dhuusa-Mareeb iyadoo ilaa iyo hadda ayna jirin wax is afgarad ah oo laga gaadhay shirkii halkaa uga socda madaxda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleeyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

“Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 05 bisha February ayay aheyd wakhtiga uu qabsaday madaxweynaha in uu hor iman doono Baarlamaanka, hasse ahaatee maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in uu hortago golaha si uu faah faahin dheeraad ah uga siiyo xaalada dalka iyo waliba shirka Dhuusa-Mareeb.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.