Macaan Baan Yeeshay !!!!!

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Bulshadeena baryahan danbe waxaa ku soo badanayay xanuunada lala nolaado oo aan lahayn daawo lagaga bogsado ama lagag hortago kuwaas oo ay ka mid yihiin Macaanka, Dhiig Karka, Gaasteriga, Faaliga (dhinac qalalka), Kaliyo Istaaga iyo qaar kaloo badan.
Waagi hore ee ay soomalidu xoola dhaqatada ahayd may aqoon ama kumay dhici jarin xanuunadani waxaanay soo if baxeen intii ay bulshadu ku soo badatay magaalooyinka oo laga soo guuray noloshii miiga iyo reer guuraanimadii.

Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine
Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Cuduradani badankoodu maaha qaar ay sababaan bakteeriya ama fayras (bacteria and firs) la aqoonsanyahay ee waa xanuuno qaarkood sababaan Nabsiyada bani aadamaka laga galo, Lunsiga Hantida Umada, Meel ka dhaca Sharafta Qofka, xaqirida, duudsiinta Dhididka & xuquuqda qofka shaqaalaha iyo Cayda Madaxda Xunkunka Umada Ilaahay u dhiibay.
Qofkastoo masuul ka ah meel Dawladeed ama Shirkadeed islamarkaana ku tunta xuquuqda Shaqaalaha hoos yimaada isagoo u awood sheeganaya iskana dhaadhicinaya madaxda ka sii saraysa Shaqsigaasi marnaba ma noqdo mid sinaba u caafimaad qaba oo sii tamariya, haddii uu isagu sii caafimaad qabana waxaa laga jaraa cuqubadaa uu galay Xaaskiisa, Caruurtiisa, Waalidkii ama qof agtiisa muhiim ka ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
waxaad arkaysaa madaxqaybeed ku dadaalaya inuu hoos udhigo qarashka xafiiskiisa kuna daadalaya tacdiga shaqaalihiisa isagoo u diraya shaqo ka awood badan lacagtii lagu siin lahaana hoos udhigaya isagoo magac iyo sharafba kaga raadsanaya haddba masuulka ka sii sareeya taas oo uu aaminsanyahay ninkaas oo raali ka noqdaa inay noloshiisa iyo sii haysashada booskiisu ay ku xidhantahay, Maalin dhawayd oo aanu wada sheekaysanay nin u sheeqya Shirkad ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalka ayaa ii sheegay in shirkadaasi shaqaaleheedu  bil walba mushaharka ay siiso 20ka bisha halkay ahayd in la siiyo kawda ama horaanta  bisha taasna ay sababaan qolada qaabilsan inay  mushaharka u diraan shaqaalaha iyagoo iska dhaadhicinaya Mulkiilaha Meherada ayay intaas maalmood dib udhigaan xaqa shaqaalaha.
waxaad arkaysaa inan yar oo dhallinyaro ah ayaa meel masuul looga dhigay islamarkaana ka cabanaya xanuuno ay ka mid yihiin Macaan ama inaanu kadida xejisanayn oo kalyaha infakshan ka haleelay oo dhaqtar ku daalay wali aan helin dawadii xanuunka haleelay iyadoo laga yaabo  inuu xalka ka heli lahaa hadii uu raadkiisa dib u raaco isla markaa eego shaqaalaha hoos yimaada in cidi wax ka tirsanayso kadibna uu waqtigaaba uu si dag dag ah u saxo in uu dawoobi lahaa Caafimaadkiisuna taam ku noqon lahaa, waxyaabaha kale ee dhagaha bulshada ku soo noqnoqdayna waxaa ka mid ah Wasiir Hebel, Agaasime Hebel, Taliye Hebel ama Masuul Hebel ayuu xanuun ku soo boodey oo dhaqtar dalka ah ayaa la dhigay ama mid dalka dibadiisa ah ayaa loo cararay  dhaqaalaha ugu badan ee madaxdeena iyo miisaniyada dalkeenu waxa uu ku baxaa dhaqtar loo dirayo qof masuul ah ama qof bulshada magaca ku dhex leh, Masuuliyiintan badankooda xanuunada soo wajaha waxaa sababa xoolaha umada ee ay ku tagrifalaan ama ay u lunsadaan.
Waxaa tusaale inoogu filan Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada boostaha iyo Isgaadhsiinta ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa intuu warbaahinta soo fadhiistay ka sheekeeyay dhibatadii uu kala kulmay lacag uu ka musuq maasuqay Wasaaradii uu Wasiirka ka ahaa wuxuuna yidhi “mushaharka iyo lacagaha aad xaqa ugu leedahay ee dawlada kuu qoran macaa gunada marka laysku daro $1500 doolar iyo meelahaas ayay isku noqonaysaa dabadeetana waxaa laguu dhiibayaa miisaniyad lacag waliba  ay ku qorantahay shaqo gaar ah lagu qabto $1500 ee mushaharka ahina waxba ma kifaynayso 1 dollarna ha ahaate wixii kale ee halkaa ka soo gala waa xaaraan, Anigu markaan sannad shaqeeyay wabaan xanuusaday Dhaqtarkii wuxuu yidhi kaliduu dhagax baa kaaga jiraa dabadeena sannadkii labaadna waa baan xanuusaday dhaqtar baan tagoo wuxuu yidhi dhiigkar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyee waan xanuusaday dhaqtarkii baan tagoo wuxuu yidhi waddanihii baan sidiisiiba u shaqaynan macanuhu waxa weeye waxaan mushaharkii aad ku shaqaynaysay ee laguu qoray ahayn ayaa ku soo galay waa xaraan weeye, waar xaraantii hore Ilaahay hayga cafiyo xanuunadoodii iyo dhibaatooyinkii aan ka qaaday dawadoodii ayaan wali mashquul ku ahay, xil danbe oo wixii aad ku shaqaynaysay ee aad xaq ulahayd kugu filnayn diyaar uma ihi halkaa shilin oo danbe oo iga soo gala meel dawldeed iyo xoolaha maskiintu leedahay  adeer diyaar uma ihi intaa horena ilaahay ha iga cafiyo”.
Masuulkaa hadalkiisa waxaynu ka faa,idaysanaynaa in masuuliyiinta iyagoo xil dawldeed haya la odhanyo dhaqtar baa loo qaaday ay yihiin kuwo xoolo dadweyne ku khaldameen ka dibna ay loo soo darseen xalad caafimaad darro.

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine