Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa eheladii,qaraabadii iyo Qaranka Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta ku geeryooday dalka Turkey-ga.
Qoraal Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2021 Dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee dalku soo maray.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.