Shirka Dhuusamareeb oo isfaham laga gaadhay soo Xulista Xubnaha Baarlamanka ee Somaliland ka soo jeeda

Shirka Dhuusamareeb
Shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Aftahannews) – Iyaddoo maalinkii labaad uu galay shirka wadatashiga dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lasoo sheegaya in isku soo dhawaasho laga dareemayo madaxda ku shirsan Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in isku soo dhawaasho weyn laga dareemayo shirka madaxda isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay in la isku fahmay qaar ka mid ah qodobadii xasaasiga ahaa.

Shirka Dhuusamareeb
Shirka Dhuusamareeb

“Qodobkii ugu horreyay oo ka mid ahaa qodobada aadka la iskugu hayay oo ah dhanka soo xulista Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland inta aan ogahay is-fahan aad u ballaadhan ayaa laga gaadhay waxna way ka dhiman yihiin,” ayuu yidhi madaxwayna ku xigeenka maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa intaa ku daray in qodobka soo xulista Baarlamaanka xubnaha kasoo jeeda Somaliland aay ka qeyb qaadan doonaan guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Wali waxaa dhiman qoddobo kale oo aad xasaasi u ah oo dbamaantood la xidhiidha sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wadar ongol ah xili wakhtiga madaxweyne Farmaajo uu ku eg yahay 8-da bishan February oo ku beegan maalinta Isniinta ah soo socota, waxaana si gaar ah indhaha loogu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirkan ka socda Dhuusamareeb.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.