Wararkii ugu dambeyay dagaal ka dhacay magaalada Baledweyne

magaalada Baledweyne
magaalada Baledweyne

Beledweyne (Aftahannews) – Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii shacabka ku dhaqan magaalada ay mar qudha kusoo tooseen aroornimadii hore ee saaka dagaal wakhti kooban ku dhaxmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo ciidamada Booliiska Hirshabeelle kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa qarxay abaare 06:30  daqiiqo wuxuuna si toos ah u dhexmaray ciidamada Booliiska Hirshabeelle iyo kuwa Jenaraal Xuud inkastoo aanan wali la sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay gudaha Baledweyne.

magaalada Baledweyne
magaalada Baledweyne

Ciidamada Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa weerarka kusoo qaaday ciidamo Booliis ah oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baledweyne si ay uga hortagaan Banaanbaxyo lagaga soo horjeeday Hirshabeelle oo lagu waday in maanta aay sameyaan shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubeey ayaa sidoo kale sheegay in u jeedada weerarkooda saaka uu ahaa inay xabsiga kasoo dayaan ilaa lix ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ku xidhan xabsiga Nabad-sugida xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.

“Waxaan tixgalinay oo aan aqbalnay codsiyo deg deg ah oo nooga yimid Odayaasha dhaqanka gobolka oo ahaa inaan dagaalka joojino dibna ugu laabano fadhiisinkeena, iyagana aay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa dadka gardarada u xidhan” ayuu yidhi Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan C/raxmaan Xuubeey.

Dhanka kale, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.